FRANKINCENSE HYDROSOL

Category
Cosmetic Products

Harvested for 6000 years as a perfume, Somalia for centuries has exported the finest Frankincense in the world.

UUMI-BIYOODKA BEEYADA (Frankincense Hydrosol)
Waa uumi-biyoodkii fooxa.

UUMI-BIYOODKA waxtar kala duwan ayuu leeyahay, sida:
1. UUMI-BIYOODKA furka muggii Waxa aad ku darsan kartaa QASIL ama FACE PACK/ FACE MASK aad jeceshay. Waa uu nadiifinayaa wejiga, unugyada dhintay ee maqaarkana wuu saarayaa.
2. Haddii aad ka cabanayso finanka wejiga, cudbi ayaad ku qoyn kartaa, wejigana waad marmarinaysaa.

Haddii aad u adeegsanayso yaraynta raadka ay da’du ku samayso wejiga, ama ka hortagga:
1. Soo qaado koob badhkii oo SHEA BUTTER ah, kuna shubo mishiinka wax lagu qaso (laaqe).
2. Ku dar 2 qaaddo (malqacad) oo UUMI-BIYOODKA beeyada.
3. Ku dar qaaddada yar badhkeed oo MALAB ah.
4. Walaaq ilaa ay is dhex gelayaan.
5. Weel ku shubo. Wejigana marso habeenkii.

Open chat